Wilkii ku labisnaa astaanta calanka oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo kaddib xarigii Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabilay nin dhalinyaro ah oo horaantii sannadkan lagu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii uu xirtay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya ee buluugga ah, arrintaas ayaa si weyn looga hadal hayay baraha bulshada.

Muuqaal uu baahiyay aqalka madaxtooyada ayaa la arkayay Cabdiraxmaan Maxamuud Cali Aar oo ku labisan dharka buluugga ah ee laga sameeyay calanka Soomaaliya xilli uu soo dhaweynayay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haddiyad guddoonsiiyay Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo ku xaragoonayay isagoo ku labisnaa dharka astaanta calanka Soomaaliya bartamaha magaalada Haregysa horrantii sannadkan ayaa la xiray inkasta oo markii dambe booliska Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay sii daayeen.