Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha ninkii hogaaminayey weerarkii SYL

Muqdisho(GNN):-Magaca ninkaasi ayey Kooxda Al-Shabaab ayaa shan maalin kadib shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo ninkii hoggaaminayey weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. ku sheegtay Maxamed Maxamuud Cabdi (Saadaq), kaas oo ay tilmaamtay inuu horkacayey raggii fuliyey weerarkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegtay inuu Saadaq ka soo jeedo beesha Xawaadle, gaar ahaan jufada Reer Ugaas, islamarkaana uu in muddo ka soo howlgalayey gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Saadaq 24 jir ahaa ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo ay kooxda Al-Shabaab la gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale wareysi laga qaaday ka hor inta uusan dhicin weerarka, islamarkaana ay baahisay Idaacadda Andaluus ayuu Saadaq kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo taariikhdiisa, isaga oo sheegay inuu ku dhashay gobolka Baay.

Weerarkii hoteel SYL oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo ay ku jireen askar ka tirsanaa ciidanka ammaanka, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya, balse kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay weerarkaasi ku dishay ugu yaraan 25 qof, kuna dhaawacday illaa 39 kale oo isugu jiray askar iyo shaqaale, sida ay hadalka u dhigtay.

Hoteelka SYL waa markii saddexaad oo ay weerarto Al-Shabaab, balse weerarkii ugu dambeeyey ayaa ka duwanaa kuwii hore oo looga bartay in qaraxyo ay ku bilowdaan