Saleebaan Xaglo-toosiye oo lagu Soo Dhaweeyey Laascaanood iyo Ujeeddada Socdaalkiisa Gobolka Sool.

Sool(GNN):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Qaar ka tirsan Odayaasha, Wax-garadka iyo Haweenka magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay Xoglo-toosiye si farxad leh u soo dhawaynayaan, iyagoo ku sababeeyey soo dhawayntaas mid uu ku kasbaday adeegyo badan oo caafimaad oo uu gobolka Sool ka hirgeliyey intii uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ahaa iyo intii aanu Wasiirka noqonba.

Geestiisa, Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyey, waxaanu tilmaamay inuu dhiirrigelin fiican u noqonayo maamuuska ay reer Laascaanood u muujiyeen, isagoo qayb ka mid ah waajibaadkiisa uun gutay waqtigii uu Wasiirka Caafimaadka ka ahaa Somaliland iyo intii ka horreysay-ba.

Haddaba, soo-dhawayntaas loo sameeyey Xaglo-toosiye, siday u dhacday iyo hadallada kala duwan ee madasha soo dhawaynta laga jeediyey aannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-