Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Dagaal Beeleedyo ka Dhacay Degaanka Buuhoodle

Hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay degaanka Gocondhaale oo waqooyi kaga aadan degmada Buuhoodle kadib markii koox hubaysan ay weerar ku soo qaadeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerar rogaal celin ay koox kale ku qaadeen magaalada Buuhoodle dad kale oo ay isku hayb yihiin kuwii weerarka geysteen taas oo sida la sheegay ay laba qof ku dhaawacmeen.

Xiisadan oo si aad ah looga dayriyey ayaa dad goob joogayaal ahi waxay Hiiraan Online u sheegeen in laga cabsi qabo colaad ka sii darta, iyadoo ay labadan beelood colaad lagu riiqday horey u dhex martay mudo haatan tobaneeyo sano laga joogo.

Waxgarad ayaa ilaa saaka wada dadaal ay ku doonayaan xakamaynta labada beelood oo si aad ah u wada dega waqooyiga degmada Buuhoodle.