Maayar Dhaliishii Ugu Cuslayd Ku Miisay Wasaaradda Caafimaadka “Shacabka Somaliland Yaanay Isku Halayn Beenta Wasaaradda Caafimaadka Ee Ha Shaqaysteen.

“Masuuliyiinta Wasaaraddu Waxay Cuneen Lacagtii Hay’adda WHO Shaqaalaha Ugu Soo Dhiibtay, Waa Niman Mashaariicda Hay’addaha Ku Mabay” Maayarka Salaxlay

Hargeisa(GNN):-Maayarka Degmada salaxlay ee Gobolka Maroodijeex Ismaaciil yuusuf Xuseen ayaa dhaliishii ugu cuslayd ku miisay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqay inaanay isku halayn Wasaaradda ee ay iyagu iskood isku daryeelaan, oo ay iskaga caabiyaan Cudurka Covid-19-ka.

Maayarka oo ka hor khudbadaynaya dhalinyaro kasoo jeeda Degmada Salaxlay ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda Caafimaadka aad ayaanu u dhaliilaynaa, waanna mid loogu talo galay inay dadkeena hagardaamo uun u ahaato,wasaaradda Caafimaadka waxaanu uga digaynaa inay dadka been u sheegaan, iyagoo meelna waxba ka qabanayn, islamarkaanna aan diyaar u ahayn inay meel uun wax kasii qabtaan, waxaanan aad u dhaliilayaa qaybtood masuuliyiinta ah, ee wasaaraddaasi go’aankeeda leh”

Waxa kale oo uu yidhi“Maalin dhawayd Mashruuc wayn oo Hay’adda WHO ay ugu talo gashay in dadka tabaalaysan lagu talaalo ayaa lagu fuliyay degmooyinka dalka oo dhan, Degmooyinka dalka oo dhan waxa ka shaqaysa dhalinyaro idinka oo kale ah ma ogtahay, lacagtii yarayd ee “Per diem” ee maalin lahayd ee ay ku shaqaynayee ayay ka cuneen, Markaa waxay u fadhiyaan Hay’adda in ay mashaariicda ay hay’adduhu ku kaalmaynayaan ama ku gargaarayaan dadkaasi tabaalaysan inay dhexda u fadhiistaan oo ay ku baadhaan”.

“Wasaaradda Caafimaadka runtii, Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay ha isku halaynina, waxaad qabsan karaysaan qabsada, dadaal, reer Salaxlay horena iskugumay halayn jirin, imikana waxba ka sugimaayaan oo isku halayn maayaan Wasaaradda Caafimaadka”.