Seynisyahan u dhashay Iiraan oo Looga Shakiyay inuu Mareykanka ka Xaday Cilmibaadhis.

Hargeisa(GNN):-Seynisyahan u dhashay dalka Iiraan oo lagu xiray Mareykanka ayaa loo musaafuriyay waddankiisa, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Tehran Mohammad Javad Zarif.

Sirous Asgari, oo ah seynisyahan uu fadhigiisu yahay Tehran, ayaa sanadkii 2016-kii lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu damcay xaditaanka sir cilmibaaris ah oo ay leedahay Jaamacad Mareykan ah.

Waxaa xilligaas lagu eedeeyay inuu cilmibaaristaas si qarsoodi ah ula wareegay.

Hase yeeshee maxkamad heer federaal ah ayaa wax dambi ah ku weysay bishii November ee sanadkii aan kasoo gudubnay.

Bishii lasoo dhaafay ayaa lasoo tabiyay in Mr Asgari dalkiisa loo dhoofin doono marka uu ka caafimaado cudurka Covid-19 oo uu la xanuunsanaa.

Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ayaa beeniyay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in sii deynta ninkan ay qeyb ka tahay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah.

Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, subaxnimadii Talaadada soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu ku sheegay inuu soo dhaweynayo waxa uu ku tilmaamay “war wanaagsan” oo ku saabsan dib usoo noqoshada Mr Asgari.

Laakiin wuxuu Mareykanka ku eedeeyay inay “afduub ahaan u heystaan” seynisyahanno kale oo reer Iiraan ah.

Barfasoorka 59 jirka ah, oo wax ka dhigi jiray Jaamacadda Sharif ee cilmiga Tiknoolojiyadda ayey dacwad oogeyaasha Mareykanka ku eedeeyeen inuu xaday cilmibaaris sir ah oo ay lahayd Jaamacadda Case Western Reserve oo ku taalla gobolka Ohio.

Waxay sheegeen in xogtaas loo diyaariyay ciidamada Badda ee Mareykanka.

Hase yeeshee, isagu wuu beeniyay inuu falkaas sameeyay, ugu dambeyntiina garsooreyaashii dacwaddiisa dhageysanayay ayaa iska laalay kiiskii lagu soo oogay.

Warka la xiriira dib ugu laabashadiisa dalka Iiraan ayaa horseeday xan ku saabsan in labada waddan ay mar kale maxaabiis isweydaarsanayaan.