Antone Melton-Meaux: Waa kuma ninka tartanka adag la galay Ilhaan Cumar?

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, gaar ahaan degmada 5aad, waxaa loo doortay in Ilhaan Cumar ay marlabaad ku matasho tartanka xisbiga Dimuquraadiga ee Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan ayaa wajihi doonta musharixiinta axsaabta kale ee iyagana u hanqal taagaya kursigaas oo ay iyadu ku fadhiday labadii sano ee la soo dhaafay.

Hadda, tikitka xisbiga Dumuquraadiga waxaa lhaan kula tartamayay nin Afrikaan Amerikaan ah oo lagu magacaabo Antone Melton, kaas oo ay Ilhaan loolan adag kala kulantay.

Antone Melton-Meaux, ayaa bishii hore u sheegay warbaahinta in uu sannadkii 2018-kii u codeeyay Ilhaan Cumar oo markaas u tartameysay aqalka congress-ka, balse hadda in “dadka ay qofkale doonayaan”, isagoona Ilhaan ku tilmaamay in ay tahay qof dadka kala qeybinaysa.

“Ma daneynayo magac, balse waxaan daneynayaa adeeg,” ayuu yiri Antone Melton, oo ay Ilhaan xalay kaga guuleysatay isreeb-reebka xisbiga dimuqraaddiga ee Aqalka Kongreska.

Antone Melton-Meaux waa musharrixiintii ugu adkaa ee wajahay Ilhaan Cumar, wuxuuna helay ku dhowaad 40% boqokiiba codadkii la dhiibtay

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, Melton ayaa la yimid lacag gaareysa $3.2 million oo dollarka taasoo uu ku ololeynayay, halka Ilhaan Cumar ay la timid $471,000 oo dollar, oo ah lacag aad uga yar middii uu Melton ku galay ololaha.

Ilhaan waxay deeqaha ay ku ololeyneysay ka kala heshay guud gobolada Mareykanka, iyadoo inta ugu badan ka heshay gobolka California, New York iyo meelaha ay shacabka isku-dhafka ah ku badan yihiin, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

Sida lagu qoray NBC, Melton wuxuu dhankiisa deeqaha ka helay dad magac ahaan laga garanayo gobolka, kuwaasi oo taageero xoog leh u muujiyay tartankiisa.

Taariikhda Antone Melton

Antone Melton, waxa uu ku dhashay gobolka bartamaha Mareykanka ee Midwest, wuxuuna ku koray magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio.

Waa 47-sano jir, sharci yaqaan ah, kuna cusub siyaasadda xisbiga Dimuqraaddiga ee gobolka Minnesota. Wuxuu sharciga ku soo bartay kuliyadda qaanuunka ee jaamacadda Virginia.

Waxa uu muddo ku noolaa caasimadda Mareykankanka ee Washington, kahor inta aysan gobolka Minnesota u soo guurin isaga iyo xaaskiisa Dr. Genevieve Melton-Meaux, iyo labadiisa carruur.

Ilhaan waxay markan isu diyaarineysaa in ay bisha November wajahdo musharrixiinta axsaabta kale, ayna soo jiidato dadka hadda u codeeyay kuwii la tartamayay.
 

Melton wuxuu howl badan ka soo qabtay sidii ay dadka ku nool degmada Washington DC ay u heli lahaayeen Hooy ama guryo ay awoodi karaan in ay iska bixiyaan kiradooda.

Inkastoo ay Ilhaan iyo Melton ay ku kala baxeen codeyn, haddana warbaahinta waxay sii qorayeen in marka ay timaaddo cidda soo bixi karta ay u muuqatay Ilhaan oo taageero aad u weyn ka heysatay gudaha gobolka iyo dalkaba.

Inkastoo ay arrimo badan ay isla oggol yihiin, haddana waxaa jiro siyaasado ay ku kala aragti duwanyihiin, sida daryeelka caafimaadka iyo deegaanka, balse tan ugu weyn waa mid ka baxsan degmadooda ay ku tartamayeen – waa fikaradda ay ka qabaan maamulka Israa’iil.

Antone Melton, ayaa garab weyn ka heystay taageerayaasha madaxweyne Trump oo Ilhaan Cumar ay dhowr jeer fagaarayaal hadallo kulul isku canbaareeyeen oo ay isku dhaafsadeen.

Melton ayaan ahayn nin aad uga hadla arimaha maamulka Israa’iil, halka Ilhaan Cumar ay ku fogaatay deegaameynta ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed iyo maqaamka magaalada Qudus.

Antone Melton waa siyaasi ku cusub siyaasadda, waana markii ugu horeysay ee uu tartan galo
 

Jeremy Slevin, oo ah agaasimaha warbaahinta u qaabilsan Ilhaan, ayaa Antone Melton ku dhaliilay in uu taageero ka helo dadka Trump taageera.

“Waxaa ceeb ah in musharrax Dimuqraaddi ah oo u tartamaya degmada 5-aad uu dhaqaale ka oggolaado Trump ama deeq bixiyeyaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga,” ayuu yiri Jeremy Slevin.

Balse Antone Melton kama uusan hadlin arrintaas, mana uusan caddeyn meesha uu ka helayay dhaqaalaha uu ku bixiyay ololihiisa.

Si kastaba, ninka Ilhaan kaga horreeyay howshan oo iminka ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota, oo lagu magacaabo Keith Ellison, ayaa taageeradiisa dul dhigay Ilhaan, wuxuuna dalbaday in mar kale fursad la siiyo Ilhaan Cumar.

Antone Melton, ayaana natiijadii xalay la shaaciyay ee isreeb-reebka xisbiga Dimuquraadiga looga guuleystay, waxaana ku soo baxday Ilhaan cumar oo heshay in ka badan 57% boqolkiiba, codadkii la dhiibtay.