Kuuriyada Waqooyi ‘oo dishay isla markaana gubtay sarkaal Koofurta ka soo jeeda’

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa toogtay isla markaana meydkiisa gubay sarkaal u dhashay Kuuriyada Koofureed, sida ay sheegtay wasaaradda Kuuriyada Koofureed, oo cambaareysay falkaas.

Xukuumadda Seoul ayaa sheegtay in ninkaasi uu ka lumay doon roondo ku sameyneysay meel u dhow xadka, kaddibna laga helay biyaha waqooyiga.

Saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ayaa dilay, waxayna kaddib ku shubeen gaas wayna gubeen, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Pyongyang weli wax jawaab ah kama bixin arrintaas.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xoojisay ammaanka xudduudaheeda waxaana loo maleynayaa inay hirgelisay siyaasadda ah “toogo si aad u disho” si ay uga hortagto in fayraska Coronauu dalkeeda gaaro.

Maxay arrintaas ka tiri Kuuriyada Koofureed?

Sarkaalkaas, oo la shaqeynayay waaxda kalluumeysiga, ayaa ku jiray doonta oo roondo ka sameyneysay meel ilaa 10km (6 meyl) u jirta xadka waqooyiga, meel u dhow jasiiradda Yeonpyeong, markii la waayay Isniintii, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed.

Ninkan oo 47 jir ahaa isla markaana ahaa aabbe leh labo carruur ah ayaa kabihiisa uga dhex tegay doonta. Waxa ala rumeysan yahay inuu isku dayayay inuu baxsado.

Doon roondo sameyneysay oo Kuuriyada Waqooyi laga leeyahay ayaa aragtay ninkan. Waxay iyagoo meel fog ka taagan weydiiyeen su`aalo kaddib inta aysan go`aansan in la dilo.