Trump oo weli ku dheggan shirkadda TikTok

Madaxweyne Donald Trump ayaa shaki hor leh ka muujiyay mustaqbalka shirkadda TikTok ee Mareykanka, isagoo sheegay in heshiiskii hore uusan dhaqan galeyn haddii shrikadaha Mareykanka laga leeyahay ee Oracle iyo Walmart aysan “si buuxda” ula wareegeynin shirkaddaas.

TikTok ayaa Axaddii ka baaqsatay mamnuuciddii Mareykanka uu ku soo rogi lahaa, kaddib markii ay heshiis la gashay shirkadaha Mareykanka.

Shirkadda Bytedance ee leh TikTok fadhigeeduna yahay Shiinaha ayaa sheegtay in 80% ay ku yeelan doonto shirkadda cusub ee TikTok Global.

Balse Madaxweyne Trump ayaa yiri: “Wax shaqo ah kuma yeelan doonaan. Haddii ay ku yeeshaanna, wax heshiis ah nama dhex marayo.”

Wuxuu hore ugu hanjabay inuu mamnuuci doono shirkaddaas sababo dhanka ammaanka ah, haddii aysan heshiis la saxiixan shirkadaha Mareykanka wixii loo gaaro bartamaha September.

Labada shirkadood ee ugu waaweyn ee Mareykanka, Oracle iyo Walmart, ayaa sheegay in guud ahaan ay saami dhan 20% ku yeelan doonaan TikTok Global.

Balse Mr Trump, ayaa taas ka diiday.

Bytedance, ayaa barteeda internet-ka ku soo qortay 80% ay ku yeelan doonto TikTok Global, waxay sheegtay in dhankeeda uusan jirin qorshe ay gebi ahaanba TikTok ugu wareejineyso Mareykanka.