Afrika ma xamili karto mowjad kale oo coronavirus ah – WHO

Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ka digay in Afrika aysan xamili karin mowjad labaad oo Covid-19 ah, iyadoo sheegtay inay taasi saameyn ballaaran ku yeelan karto dhaqaalaha qaaradda.

Digniintan ayaa imaaneysa iyadoo ay sare u kaceen kiisaska fayraska dalal badan oo dhowaan khafiifiyay xayiraadaha.

WHO ayaa sheegtay in fayraska uu noqon doono mid aan la xakameyn karin haddii dalalka Afrika ay sii wadaan khafiifinta xayiraadaha iyagoo aan meel dhigin qorsheyaallooga hortagayo xanuunka.

Agaaismaha WHO ee Afrika, Matshidiso Moeti, ayaa sidoo kale sheegtay in qaaradda ay qeybteeda heli doonto haddii la soo saaro tallaalka fayraska.

Afrika waxaa laga soo sheegay in ka badan 1.6 milyan oo kiisaska coronavirus ah tan iyo intii uu xanuunku dillaacay, iyadoo in ka badan 39,000 oo qof ay u dhinteen.