Dalka Baakistaan Oo Xalay Korontadii Ka Go’day

Guud ahaan waddanka oo dhan ayaa si lama filaan ah xalay u galay mugdi saacaddu marka ay ahayd abbaare 12-kii saq-dhaxe xalay.

Dhammaan magaalooyinka dalkaasi ayaa xalay waxaa laga soo sheegay in ay koronto la’aan ka jirtay.
Magaalooyinka waaweyn, oo ay ka midka yihiin Islamabad, Lahore iyo Karachi ayaa ka mid ahaa magaalooyinka ay koronta la’aantu sida weyn u saameysay.

Wasiirka tamarta dalkaasi Pakistan, Cumar Ayuub Khaan, ayaa sheegay in cilladu ay ka dhalatay hannaanka qeybinta korontada dalka oo si lama filaan ah ay cilladi ula soo deristay.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa shacabka ka codsaday in ay is-dejiyaan haseyeeshee waxay ka digeen in ay qaadan karto dhowr saacadood ka hor inta aan adeegga korantada si buuxda dib loogu soo celin, waxaana si tartiib tartiib ah dib loogu soo celiyay meelaha qaar.

Wasiirka ayaa goor dambe sheegay in korontadu ay u soo laabatay qeybo ka mid ah dalka oo ay ka mid tahay magaalada Peshawar.

Wuxuu intaasi ku daray inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay in koronto ay ka go’do dalka oo dhan.