Maamulaha Twitter-ka Oo Ka Hadlay Xanibaada Koontada Trump Ay Saartay Shirkadu

Maamulaha Twitter Jack Dorsey ayaa sheegay in mamnuucitaanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ahayd wax sax ah.

Si kastaba, wuxuu murugo ka muujiyay “cawaaqibta aan caadiga ahayn” ee ka dhalan karta in Mr Trump gebi ahaanba laga mamnuuco bartaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mamnuucitaanka uu qeyb ka ahaa guuldarrada Twitter-ka, oo aan in ku filan ka sameyn in “wada sheekeysi caafimaad qaba” lagu wadaago bartaas.

Twitter-ka waa lagu ammaanay waana lagu cambaareeyay xiritaanka akoonka Mr Trump.
Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo Madaxweynaha Mexico Andres Manuel López Obrador – oo midkoodna aan xulafo la ahayn madaxweynaha xilka ak sii degaya ee Mareykanka – ayaa cambaareeyay falka shirkadda.

Qoraal dheer oo uu Twitter-ka soo dhigay, ayaa maamulaha bartaas wuxuu ku sheegay inuusan u dabaal degin sharafna uusan ku dareemin mamnuucitaanka – oo yimid kaddib weerarkii Capitol ee toddobaakdii hore.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha laga saaro Twitter-ka ay timid kaddib markii “digniin cad” loo diray Mr Trump.

Wuxuu sidoo kale oggolaaday in tallaabadaas ay saameyn ku yeelan doonto internet-ka furan ee xorta ah.

“In la qaado tallaabooyinkaas waxay saameyneysaa wada sheekeysiga bulshada. Way na kala qeybinayaan….waxayna muujineysaa tusaale aan u arko khatar.”

Isagoo ka hadlayay cambaareynta loo jeediyay, ayaa wuxuu sheegay in keliya tiro yar oo madaxda shirkadaha teknolojiyadda ah ay sameyn karaan go’aanno la xiriira cidda cod ku yeelan karta internet-ka.

Go’aanka lagu xirayo akoonnada, meeshana looga saarayo qoraallada Twitter-ka ayaa waxaa lagu cambaareeyay inuu meel uga dhacayo xorriyadda hadalka.

Si kastaba, shirkadaha teknolojiyadda ee waaweyn ayaa ku doodaya inay yihiin shirkado gaar loo leeyahay, oo aysan ahayn kuwo ay dowladdu maamusho, isla markaana uusan sharcigu qabaneyn marka ay isbeddel ku sameeyaan barahooda.

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa sheegay in dhammaan shirkadaha sida Facebook iyo Twitter uu ka doonayo inay tallaabo dheeri ah ka qadaan hadallada nacaybka ku dhisan iyo wararka been abuurka ah.