Hantidhawrka Guud ee Qaranka Jsl Oo Xafiisyada Dawlada ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dalka Ka Bilaabay Baadhisaha Maaliyada iyo Shuruucda Shaqada.

Hargeisa(GNN):-Xafiiska Hantidhawrka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Baadhiso Kala Duwan oo la Xidhiidha dhinaca Baadhisaha Maaliyada iyo habraacyada Shuruucda nidaamka shaqo ka bilaabay ilaa 8 xafiis hay’adaha dawlada iyo isugu jira wasaarada dalka.

Baadhisahan ayaa la xidhiidha shaqo maalmeedka caadiga ah ee sannad walba xafiiska hantidhawrka somaliland ku sameeyo laamaha kala duwan ee dawlada, waxaana baadhitaanadani qayb ka yihiin hawlgalada sannadkan 2021 ee xafiiska u qorshaysan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.