Booliska Somaliland Oo Hawl Galkii Xalay Ku Soo Qabtay Ninkii Maalmo Ka Hor Magaalada  Hargeysa Ku Dilay  Marxuun Meherad Ganacsi Haystay Iyo ……

Taliyaha booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa xalay wargeyska Geeska Africa u xaqiiijiyay in ciidanka booliska gobolka saaxil ay ninkaasi gacanta kusoo dhigeen isla markaana dhawaan sharciga la horkeeni doono waxaana uu  yidhi“Ninkaas waanu soo qabanay ,gacanta ciidamada booliska ayaanu ku jiraa,waxaanu ku qabanay deegaan Berbera u dhaw”sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland ayaa u mahadceliyay ciidanka booliska gobolka Saaxil iyo dad muwaadiniin ah oo uu sheegay inay gacan ka gaysteen qabashada ninkan

“waxaan u mahadcelinayaa ciidanka booliska gobolka Saaxil oo masuuliyad iyo dedaal muujiyya,sidoo kalena dad muwaadiniin ah iyagana u mahadcelinayaa oo gacan ka gaystay qabashadiisa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Imaan.