DAAWO SAWIRADA Weftigii uu Hogaaminayay JSL oo Gaadhay Degmada Ballidhiig iyo Kulamo uu La Qaatay Bulshada Degaanadaasi

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ee qiimaynta iyo gurmadka xaaladda abaarta ka jirta gobollada bariga Somaliland, ayaa saaka socdaal ku tagay degaannada Shansha-cadde, Taala-buur, Balli-calanle iyo Balli-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer, kuwaas oo dhammaantood si ballaadhan loogu qaabilay.

Weftigu waxay hadda ku sugan yihiin magaalada Balli-dhiig oo ay ka socoto xaflad soo dhawayn iyo is-xogwaraysi la xidhiidha abaarta ah ka jirta deegaanka, waxaanna Madaxweynaha weheliya Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muidane, Muuse Biixi Cabdi.