Doon Siday Qaxoonti Ka Yimi Dalka Yamen Oo Maalmahan Ku Xaninbnayd Magaalada Berbera Oo Ragii Waday Doonta Xadhig Iyo Ganaax Iskugu Dartay

Warar madax banana oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay inay shalay xukuumaddu ogolaatay in dadkaasi qaxoontiga ah ee maalmihii u danbeeyey ku dul xarbiyya badda laga dajiyo doonta,waxaanay wararku intaasi ku dareen  in ninkii doonta ka masuulka ahaa ee waday la xidhay halka doontiina lacag ganaax ah lagu xidhay,masuuliyiinta gobolka Saaxil,taliyaha laanta socdaalka Berbera iyo maaulka gobolka saaxil ayaa sida la sheegay ku dooday inay fuliyeen amar uga yimi dhinaca wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo taliyaha guud ee laanta socdaalka Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada ahrgeysa,kuwaasi oo sida la sheegay amar ku siiyay maamulka gobolka saaxil inaanay dhaadhicin oo aanay doonta ka rogin dadkan qaxoontiga ah.Wararka ayaa intaa ku daraya in naakhuudihii waday doonta markii hore lagu amray inuu dadka quxuuuntig aah celiyo balse wuu ka dhega adaygay,kadib markii ay dadkii doonta saarnaa ka qayliyeen in lagu celiyo dalkii ay kasoo carareen ee ay ka socdeen dagaaladu,waxaanay xabsiga loo taxaabay wakiilkii doonta waday oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Dheere oo lagu haysto side doonta aad wakiilka ka tahay usoo qaadaa dad qaxoonti ah,iyada oo xukuumadda Somaliland hore u shaacisay inay joojisay qaxoontiga kasoo qaxaya dalka Yamen,sababo la xidhiidha hay’addo dhaqaale u haya oo aan dalka joogin iyo arrimo kale.

Waxaana hadda la sheegay inay xidhan yihiin wadihii doonta waday iyo waliba ninkii wakiilka ka ahaa doonta,waxaana doonta la rogay qaxoontigii saarnaa.

Doontan sida dadka qaxoontiga ah ee kasoo cararay dagaalada ka socda  dalka Yamen ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay gobolada bariga ka jirto abaar baahsan oo saameysay dad iyo duunyaba.