DAAWO:Madaxwaynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo Iyo Safar La Filayo Ina Ugu Baxaan Deegaanada Gobolka Sanaag Ee Abaartu Ka Jirto

Wararka naga soo gaadhaya magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ee socdaalka ku marayay deegaanada gobolada bariga Somaliland ay saaka gaadheen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Waxaana madaxwaynaha iyo waftigani lagu soo dhaweeyey magaalada ceerigaabo iyaga oo salaadii roob doonta ahayd-na ay la tukadeen shacabka magaalada Ceerigaabo.

Madaxwaynaha iyo waftigan  ayaa la filayaa inay safar kormeer iyo gurmad ah ugu baxaan deegaanada ay abaarta xuni ka jirto ee gobolka sanaag,isaga oo madaxwaynuhuna gurmad iyo taakulo gaadhsiin doona dadka ay abaaruhu ku caydheeyeen deegaanada gobolka sanaag.

Log1