Rushnara Ali oo Dawladda UK ugu Baaqday ka Qeybgalka Gurmadka Abaaraha Somaliland

London(GNN)- Xildhibaan Rushnara Ali oo ka mid ah baarlamanka UK, ayaa ku baaqday in laga qeyb-qaato gargaar degdeg ah oo loo fidiyo dadka ku waxyeeloobay abaaaraha ba’an ee ka taagan gobolLo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah.

Xildhibaan Rushana oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka Shaqaalaha ee dalka Ingiriiska oo shalay shir jiraa’id wada jir ugula qabatay Wakiilka Somaliland ee UK Amb Cali Aadan Cawaale xafiiska xisbiga shaqaalaha ee Bethnal Green, xaafadda Towerhamplets, ayaa sheegtay in macluumaadka laga helayo xukuumadda Somaliland iyo ururrada caalamiga ah caddeynayaan in dadka ku dhaqan goboladda abaarta ba’ani ku habsatey sida Sool, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo meelaha kale ee abaartu ka jirto ay u baahan yihiin mucaawinno degdeg ah.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Wakiilka Somaliland u fadhiya London, Xildhibaan Rushnara Ali oo shirka jaraa’id ka hadlaysay ayaa ballan qaadday iney door weyn ka qaadan doonto oo ay awooda saari doonto sidii ay u gaadhsiin lahayd baaq haya’daha kala duwan ee dawladda Ingiriiska oo dhan, kana codsan doonto kaalmo degdega oo la gaadhsiiyo gobolladaa ay abaartu ku habsatay. waxay kale oo ay sheegtay in ay arrintan si gaara ugala hadli doonto Madaxda haya’dda mucaawimada caalmiga ah ee UK (DFID).

Waxa shirka isna ka soo qayb galay, Maayar Ku-xigeenka degmeda Towerhamplets oo ballan qaaday inu ka hawl-geli doono sidii degmeda Towerhamplets qayb libaax uga qaadan lahayd hawsha taakulaynta abaaraha ka jira Somaliland oo ay degaan dad aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Adan Cawaale oo halkaa ka sheegay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray bulshada caalamka, ugu qaybiyey nuqullo baaqa ah ururradii shirka ka soo qayb galay ayaa ka codsaday qaadhaan-bixiyeyaasha gurmad ka geystaan dadka abaareysan.