DAAWO SAWIRADA: Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Xalay Casho Sharaf La Qaatay Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Koonfurta Hargeysa

Kulan casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen Xoghayaha Dhalinyarada xisbiga Waddani Cabdifataax Siciid Axmed iyo Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Waddani ee gobolka Maroodijeex Mawliid Muuse Dacar ayaa waxa xalay isku arkay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Horseed Group iyo Siyaasiyiinta xisbiga waddani ee kasoo jeeda Koonfurta, Bariga iyo Badhtamaha magaalada Hargeysa.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Ambassador ayaa waxa uu ahaa mid ay isku xog-waraysanayeen dhalinyarada iyo siyaasiyiintu ayaa waxa si wayn loogu lafa guray sidii dalka uu uga dhici lahaa isbaddal dhinaca maamulka ah – kaasi oo ay hoggaamin doonaan dhalinyarada iyo siyaasiyiintuba.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay, qaar kamid ah madaxda dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Horseed Group gaar ahaan guddoomiyaha Horseed Group Mudane Cabdiraxmaan Suudi iyo masuuliyiintii kulankaasi soo abaabulay.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay siyaasiyiintii kulankaasi kasoo qayb-galay oo ay kamid ahaayeen; Prof Ismaaciil Hurre Buubaa, Prof. Keyse Cali Geeddi, Dr. Xuseen Xoog, Prof. Rashiid Aadan , Cismaan Aadan, Xasan Cabdi Qarshe iyo Caaqil Cabdirashiid Jaambiir oo isna kamid ah madaxda dhaqaka ee Hargeysa.

Dhinaca kale, Kulankani intii uu socday ayaa waxa halkaasi su’aalo kala duwan lagu waydiiyay siyaasiyiintii iyo cuqaashii kulankaasi kasoo qayb-gashay iyagoona ka jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyay.

100_9070100_9039

100_9035100_9036100_9043100_9044100_9049100_9051100_9056100_9060100_9061

100_9064100_9066100_9071100_9074100_9075100_9076100_9078