Abwaan Maanso Cusub Ka Curiyey Hadimooyinka Isbarkan ee Shirkadda Telesom: “Telesom Ma Tuugaa…?”

Hargeysa(GNN):- Abwaan Mubaarik Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Hal-abuurrada Dhalinyarada ah ee magaalada Hargeysa ku dhaqan, ayaa Maanso ku cabbiray dhibaatooyinka iyo faa’iidooyinka is-barkan ee Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom iyo adeeggeeda Taleefannada Lacagta la isugu Xawilo ee Zaad, isaga oo Dadweynaha Tuducyo Suugaaneed ku weydiinaya adeegyada Shirkaddaasi faa’iido iyo khasaare ee ay Bulshada u leeyihiin midka badan.

TELESOM MA TUUGAA ABWAAN MAANSO CUSUB KA TIRIYEY HADIMOOYINKA TELESOM 2016
TELESOM MA TUUGAA ABWAAN MAANSO CUSUB KA TIRIYEY HADIMOOYINKA TELESOM 2016
Waxa uu Abwaan Mubaarik Cabdi Yuusuf Maansadan kooban ee uu kaga hadlay Shirkadda Telesom ee uu Su’aalaha geliyey dhibta iyo faa’iido midkay u badan yihiin adeegyadeedu, waxa uu ku baahiyey Bishii hore Barta uu ku leeyahay Shabakadda Barkulanka Bulshada ee Faysbuug (Facebook) oo aannu ka soo xigannay Tuducyadiisa Miisaanka leh ee uu Curiyey.

Waxaanay Maansadaa kooban ee Aftahannews ka soo xigtay Abwaan Mubaarik Cabdi Yuusuf oo Qoraal ahayd, uu Qoraalkeedu u dhignaa ama uu ku yidhi sidatan:-

“Telesom Ma Tuugaa?
Mise waa Tudhaaloo
Umaday wax Tarayaan?
Taawaradan Tan dhaafee
Meel kastaba ka Taageen
Taws Miyey Abuuraan?
Mise waa Tayeynoo
Tashuushkay yareeyaan?

Ogaysiiskan Taxanee
Tiro beelay yaabaye
Ma Tiifii Qarsoonoo
Warka Hoos u Tabiyaa?
Mise Horumar Taamoo
La Tabaayey weeyaan?

Zaadkan Taabbo Qaadee
Inta Lacagtii laga tegay
Telefoonka lagu shubay
Ma Tallaabo Wacanoo
Telesomtu Qaaddaa?
Mise waa Tab iyo Xeel
Tacab lagu Xadaayoo
Tabcay Noo Dhigaayaan?

Bal Ka Tali Adiguyoo
Taban iyo Midkee Togan
Kula tahay Dadwaynow?” Sidaa ayuu Maansadiisa ku yidhi Abwaan Mubaarik Cabdi Yuusuf.