Ciidamo Tiro Badan Oo Saaka La Wareegay Gacan Ku Haynta Masaajid Ku Yaala Magaalada Berbera Oo Shalay Ay La Wareegeen Culimada Timo-waynta Oo Hubaysan

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ciidamada kala duwan ee gobolka Saaxil ay saaka xilli hore la wareegeen gacan ku haynta masaajidka Sheekh Isxaaq ee ku yaala magaalada Berbera taas oo shalay xukun laga soo saaray.

Waxaana sida naloo sheegay masaajidkan shalay galinkii danbe xoog kusoo galay oo la wareegay masaajidka culimada Timo-waynta oo hubaysan iyaga oo masaajidkaas gabi ahaanba  la wareegay gacan ku hayntiisa,waxaaa saaka masaajidka agagaarkiisa lasoo dhoobay sida naloo sheegay ciidamo tiro badan oo isku jira ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da,ciidamo booliska iyo waliba ciidamada Militeriga kuwaas oo wata gaadiidka gaashaaman.

Waxaana ay ciidamadani ugu danbayntii ku guuleysteen sida naloo sheegay inay ka saaraan masaajidkan culimadan hubaysan ee la wareegay,waxaana masaajidka hadda la wareegay oo gacanta ku haya ciidamada gobolka Saaxil.

Masaajidkan ayaa waxa mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa muran xoogan kaas oo ay isku khilaafsanaayeen culimada Timo-waynta iyo  qoys sheegay inay dhiseen masaajidkan,waxaana garnaqa dacwadan oo  muddo socotay shalay soo gabagabeeyey guddi ka socotay wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland kuwaas oo loo xil saaray garnaqa iyo soo afjarida  murankan ka taagan gacan ku haynta masaajidkan,waxaana ay guddidu dhagaysiga dacwadaas kadib ay masaajidkan gacan ku hayntiisa u xukuntay qoyska ilma Xaaji Yuusuf Imaan oo sheegay inay lahaayeen dhulka  masaajidku ku fadhiyo iyo dhismahiisaba.

mar aanu isku daynay inaan la xidhiidhno gudoomiyaha gobolka Saaxil si aanu wax uga waydiino arrinkan ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaban waayay awgeed.

Bulshada magaalada Berbera ayaa ka cabsi qaba colaad halkaas ka dhacda oo u dhaxaysa culimadan hubaysan iyo ciidamadan kala duwan ee la wareegay masaajidka,xaalada magaalada Berbera ayaa hadda se ah mid dagan.

Log1