DAAWO: Garabka Haween-weynaha XISBIGA WADDANI oo Si Adag u Dhalliilay Xukuumadda SIILAANYO

Garabka Haween-weynaha Xisbiga WADDANI oo Si Adag u Dhalliilay Xukuumadda KULMIYE Hargeysa(WNO):-Garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI, ayaa dhalliilo xooggan u soo jeediyey Xukuumadda gabalkeedu si dhacaayo ee KULMIYE, waxaana ay ku eedeeyeen in ay caado ka dhigatay kala qoqobka bulshooyinka walaalaha ee reer Somaliland oo ay qabyaalad kala dhex-dhigayaan, iyaga oo dhanka kale na si adag u cambaareeyey sheegayna in ay ka xun yihiin tallaabo fool xun oo lagu la kacay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ay ciidamada Boolisku ka celiyeen in uu gudaha hore u galo saldhiga dhaxe ee Magaalada Hargeysa