Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuun Axmed Aadan Cali (Goodir) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE-04/12/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) oo ku geeriyooday magaaladda Hargeysa Xalay oo ay taariikhdu ahayd 04/12/2016,

15230680_1137050283075490_4720470965545037923_n
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday ruug cadaadi ah oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dalka, ahaana siyaasi wax badan u soo joogay oo waayo arag ah, shaqooyin iyo xilal kala duwana ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray dalka ka mid ahaa Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato, waxaannu hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dawladaha hoose.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JS