Masuulkii Saddexaad Ee Iska Casilay Xilkii Uu Madaxweyne Siilaanyo U Magacabya+Waa Kuma

Hargeysa (GNN) Mid ka mid ah masuulyiintii xalay uu madaxweyne Siilanyo magacaabey ayaawaxaa uu hada shaaciyey in aanu xilaasi qaban karin .xil iska casilay

Masuulkan oo ah wasiir ku-xigeen xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne oo ka soo jeeda beelaha dega degmada Salaxley ayaa goor dhawayd  hadalkani sheegay isaga oo xusay  in aanu qaban karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Silaanyo isla markaana uu ka cudurtaay.

Cabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay cudurdaarkiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto.

Mudane Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia oo uu hada ku sugan yahay