Khadar Xaaji Yuusuf Oo Ka Cudur Daartay Inuu Qabto Xilka Wasaarada Cusub Ee Dhaqanka Iyo Dalxiiska

Hargeysa(GNN):-Wasiirka cusub ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasaarada cusub ee dhaqanka iyo dalxiiska somaliland Khadar Xaaji Yuusuf  Cabdilaahi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaasi, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu qabto.

Khadar Xaaji Yuusuf oo shabakada Hadhwanaagnews wax ka waydiisay xilka loo magacaabay ayaa sheegay inaanu qabanayn xilkaas madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ee wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, waxaanu tilmaamay inaanu xilkaasi ahayn mid u qalma.

Khadar Xaaji Yuusuf ayaa si weyn u dhaliilay xilka madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ee wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, waxaanu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu qaranka u shaqeeyo balse aanu doonayn inuu qabto xilka wasaaradaasi cusub