DAAWO SAWIRADA Xaflad Lagu Qabtay Galbeedka Magaalada London oo Lagu soo Dhawaynayay Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid

Xaflad si heersare ah loogu soo agaasimay oo Maqaamkeedu aad u Sareeyo laguna soo Dhawaynayay Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saciid Cumar Axmed,ayaa lagu Qabtay Hotel ku yaala Xaafadda Ealing ee Galbeedka Magaalada London,waxana Xafladda soo agaasimay iskuna soo duba riday hawl wadeenada,Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Dalka UK.

Kulankan loogu fooladaynayay Gudoomiyaha Sadeexaad ee Xiga Ucid ayaa waxaa uu ahaa mid ay ku kulmeen dad aad u farabadan oo kala yimi daafaha iyo Badhtamaha Magaalada London,sida Xisbiyada kala Duwan ee Somaliland ee Ucid,Waddani iyo Kulmiye,waxana sidoo kale iyana ka Muuqday Ururada Bulshada kala Duwan ee UK.

Dhinaca kale Masuuliyiintii Munaasibaddaa ka

hadashay ayaa dhamaantood iska daba maray Taariikhda iyo Wakhtiga dheer ee uu ku leeyahay Xisbiga Gudoomiyaha Cusub Saciid Cumar Axmed, oo isaugu ka mid ahaa Raagii la Bilaabay Xisbiga wakhtigii la Aaasaasay,isaga oo Mudadaa dheer ku adkaystay Mabda Xisbiga Ucid oo aan dhanna uga bixin Xisbiga Ucid.
Geesta kale Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saciid Cumar Axmed(Saciid Ucid), ayaa Bulshadii Xafladda kasoo qayb gashay uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen,waxa kale oo uu mahad naq balaadhan u jeediyeen Kooxdii iska Xilsaartay Qabsoomidda Xafladda .

Sidoo kale waxa isna sitoos ah Khadka usoo Galay Gudoomiyaha ahna Musharaxa Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe,isaga oo ka hadlay sababta uu uga Baaqday Xafladda oo uu sheegay in uu u baaqday Shirka wada haddalada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaraya Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itobiya.

Waxa kale oo uu ka hadlay Xaaladda Somaliland ee dhinaca Abaaraha iyo waliba Habdhaqamada Labada Xisbig isaga oo Waddani iyo Kulmiye ku eedeeyay in ay hab qabyaaladaysan wax u wadaan.

Ugu danbaynbtii Xafladaa ayaa waxa ay kusoo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan.

img_1420XAFLAD SOO DHAWAYN AH OO LOOGU QABTAY MAGAALADA LONDON GUDOOMIYAHA SADEXAAD EE XISBIGA UCID SICIID CUMAR AXMED.

img_1422img_1423img_1424img_1425img_1426img_1427
img_1434
img_1435img_1436img_1437img_1438img_1439img_1440img_1441img_1442img_1443img_1444img_1445img_1446img_1447img_1448img_1449img_1450img_1451img_1452img_1453img_1454img_1455img_1456img_1457img_1458img_1459img_1460img_1461img_1462img_1463

 

img_1427