Deg Deg :- Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga UCID oo Hada IS Casilay + Muuqaal

Hargeysa GNN):- Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu maanta shaaciyey

in uu iska casilay xilkii  iyo xubin nimadii uu ka hayey xisbiga UCID

Masuulkan oo ah xoghayihii guud ee xisbigaasi Muddane Yuusuf Ibraahim Jamaac ( Yuusuf Googooye ) ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilkaasi baneeyo .

 Sidoo kale masuulkan ayaa waxaa uu ku sifeeyey sababta uu  xilka iskaga casilaayo in ay tahay ka dib markii uu fahmi waayey nidaamka uu xisbiga UCID ku socdo kaas oo ku tilmaamay in uu yahay mid ay guuli ka dheer tahay isla markaana gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka dhego adeegay  in uu soo indho indheeyo oo uu caawimo gaadhsiiyo dadka abaaruhu sameyeen ee uu bari codka ka doonaayo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan