Wararka naga soo gaadhaya dalka Masar ayaa sheegaya in muddo shan cisho ah la la yahay doon dhawaan dad tahriibayaal ah ka qaaday dalka Masar isla markaana u jihaysnayd dalka Talyaaniga.
Ilaa hadda lama garanayo meel lagaga waramo iyo cid kasoo warantay toona doontaas ka shiraaqatay dalka Masar isla markaana u jihaysnayd dalka Talyaaniga.
Gabagabadiina dadka tahriibayaasha ah ayaa iyagu hore uga tahriibi jirey dalka Liibiya iyaga oo halkaasi kala kulmi jirey dhibaatooyin iyo tacadiyo badan balse taas badalkeeda waxa ay tahriibayaashu hadda aad uga tahriibaan dalka Masar iyaga oo dadkaasina laga qaado lacago aad u badan.