Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaare Ka Dhashay Shaqaaqo Ka Dhacday Gobolka Sool

Wasiirku waxa uu intaas raacaiyay  in markii ay dadkii deegaanku xaqiiqada ogaadeen ee ay arkeen wixii loo sheegay iyo runtu in ay laba kala yihiin in ay dib uga noqdeen rabshadihii ay wadeen oo ay garasadeen sida ay wax u jiraan.

“Horta mar kasta  waxa  jira dad xumaanta ka shaqeeya oo aanu wanaaggu deeqin oo ku foogan in ay rabshad abuuraan oo deganaanshaha iyo nabadu aanay deeqin,markaa waxa dhacay dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah oo deggen deegaanka Tifafle ee deegaanka Can-jiid,ayay heleen dadkaa xuma wadayaasha ahi waxaanay ku dagaal galiyeen been oo waxay ku yidhaahdeen deegaankii waa la idinka qaadayaa oo dad ayaa loo Seeraynayaa oo xoolo gaar ah ayaa lagu soo xeraynayaa ee ka dagaalama.

Dadkii reer miyiga ahaana qoryaha ayay gurteen oo waxay dagaal kala hor yimaadeen  hawlwadeenno Ceel  biyood magaalada Laascaanood loo qodayay Riiggii qodi lahaa waday iyo ciidankii la socday balse markiiba Xukuumaddu way ka hawl gashay arrintaas oo dadkeedii iyo ciidankeediiba way kala badbaadisay, waxaanay meesha ka saartay warkii been abuurka ahaa ee dadka reer miyiga ah loo sheegay, waxaanay u sheegtay in xaqiiqadu ay tahay in magaalada Laascaanood meesha looga qodayo Ceel Biyood magaalada la gaadhsiiyo wax la Seeraynayo iyo cid loo xidhayaana in aanay jirin ayaa loo caddeeyay markii ay runtaa ogaadeenna dib ayay hubkii u dhigeen oo halkaas ayay isku taagtay shaqaaqadaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi  “Wax dambe oo ka dhacayna ma jirto dhawr qof oo dhaawacmay way jiraan nasiib wanaag wax dhimasho ahina kama dhicin, dawladduna waxay u taagan tahay nabadgelyada dadkeeda in ay ilaaliso laakiin cadaw dadkeeda kuma aha taana imika way ogaadeen dadkii deegaanku hawshiina way socotaa.”

Wasiirka oo  la waydiiyay halka ay marayso nabadayntii labada beelood ee walaalaha ah  ee ku diriray gobolka Sool, waxaannu ku jawaabay;  “Horta labada Beelood ee walaalaha ah dagaalkoodu wuu soo jiitamay oo colaaddoodu muddo afar bilood iyo dheeraad ah ayay maraysaa nabadayntii laga dhex wadayna wali toos umay wada hirgaliin oo dadku waa reer Miyi, reer miyigana intay colaadi dhex taallo aragti ayuu dagaalkoodu ku xidhan yahay oo hadday is-arkaanba xabaddu way furan tahay, waxaana halkaa gaadhsiiyay oo isku dilay dad dano siyaasadeed ka leh oo aan nabadooda doonayn, laakiin Xukuumadda Somaliland way ka go’an tahay in ay colaadda soo afjarto oo labada beelood ee walaalaha ah ay nabad waarta ku soo  dabbaasho.”

“Ciidankii qarankuna wuu la deggan  yahay,  meel kasta oo wuu ku kala dhex jiraa laakiin illaa xuduudda Itoobiya aynu gobolka Sool kala wadaagnay ayay wada degaan oo ay iska eegtaan, laakiin Xukuumaddu  daawan mayso dhiig dambe oo dadkeeda iskaga data, waanay ka hor tegaysaa arrinta labada Beeloodna go’aammo wax ku ool ah oo kala badbaadiya ayay dawladdu ka qaadanaysaa, inkastaa aan dhawaanahan wax dhibaato ahi ka dhex dhicin haddana nabad buuxda oo dhexdooda ka jirtaa ma jirto laakiin dhakhso ayaanu uga dhex dhalllinaynaa insha Alaah nabad ay ku wada noolaadaan collaaduhuna waxay ka mid yihiin masiibooyinka abaaraha innagu saliday.Marka qof Muslim ah la dilo waa dambi wayn oo xagga ALLE laga galay dad walaallo ah oo muslimiin ah oo isku cid ah oo si dilayna ka basii dambi wayn markaa labada beeloodna waxaan ku waaninayaa in ay ALLE u toobad keenaan oo colaadda iyo nacaybka la isugu beeray in ay walaalnimo iyo is jacayl ku bedelaan AllE-na  waxaan ka baryaynaa in uu abaarta innaga soo jabiyo oo uu raxmaadkiisa innoogu deeqo roob khayr qabana inna siiyo,”ayuu yihdi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.