Doonni u Rarnayd Ganacsato Soomaaliyeed Oo Ku Degtay Xeebaha Puntland

Bosaso(GNN):-Doonni ganacsi  oo u rarnayd ganacsato Soomaaliyed,  ayaa ku degtay meel 14 mile u jirta dekadda weyn ee magaalada Bosaso ee maamul-goboleedka Puntland.

Doonidan ayaa markeeda hore ka soo anba baxday wadanka Cumaan, waxa ayna ku soo jeeday dekadda magaalada Bosaso.

Waxaa doonida saarnaa 12 shaqaale oo isugu jiray ajanabi iyo Soomaali, iyadoo sagaal ka mid ah shaqaalaha la soo badbaadiyey waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso.

Doonida ayaa siday 1,200- tan oo bagaash iyo raashiin ka koobnaa, kuwaas oo lagu waday in laga isticmaalo deegaannada maamulka Puntland iyo weliba   dhulka kale ee ku hareeraysan.

Agaasimaha Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ku guulaysateen samato-bixinta   shaqaalihii saarnaa doonida, isagoo xusay in ay soo heleen meydka mid ka mid ah Nakhuudayaasha doonida.

Doontan degtay ayaa ku soo beegantay xilli roobab xoogan ay ka da’een xeebaha Puntland, kuwaas oo dabaylo iyo duufaanno xooggan kiciyey, isla-markaana sababay inay biyaha baddu si aad ah  u kacaan.