Xisbiga Waddani Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Tageeraal Ka Soo Digo Rogtey Xisbiga Kulmiye Oo Ka Soo Jeeda Deeganada Waqooyiga

Xisbiga Waddani Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Tageeraal Ka Soo Digo Rogtey Xisbiga Kulmiye Oo Ka Soo Jeeda Deeganada Waqooyiga

Hargeysa(GNN):-Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani ayaa maanta xaflada soo dhawayan ah hutel maansoor ee magaalada hargeysa ugu sameeyaay Tageerayaal Ka Soo Digo rogtay xisbiga Kulmiye Isla markaana ka soo jeeda Deegaanada Waqooyiga Hargeysa.

Munaasibada xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiisha xisbiga oo uu hor kacaayo musharaxa madaxweyne ee xisbigaas Cabdiraxmaan Ciro iyo xukeenkiisa Amp. Maxamed Cali Aw Cadbi , xildhibaano , dhalinyaro , Haween iyo masuulyiin kale

Ugu horeyn waxaa munaasidaas ka hadley qaar ka mid ah dhalinyarada ku soo biirtey xisbiga Waddani ee ka soo jeeda deeganada Waqooyiga Hargeysa waxaana ay sheegen in deeganada waqooyiga Hargeysa aanay aheyn qaar xisbi gaar ah u xidhan isla markaana cid la qasbi karaa aanay jirin sido kale waxa ay shegeen in ay Dantooda ka dhex arkeen xisbiga waddani isla markaana uu yahay xisbiga kaliye ee dhalainyarada Somaliland ka soo dhex muuqankarto.

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadley qaar ka mid ah masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin Xildhibaan Bashiir Tukaale , xildhibaan Siciid Cilmi Rooble , Gudoomiye Siciid Bustaale , musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi Amp Maxamed Cali iyo masuulyiin kale oo ka tirsan xisbigaasi waxaana ay dhalinyardaasi si diiran ugu soo dhaweyeen xisbiga iyaga oo sheegay in maanta laga bilaabo aanay cid xisbiga ka leh ama uga dhaw aanay jirin isla markaana ay ka qayab qaadan karaan talada xibiga iyo wax walba oo qoyseeya xisbiga waddane ee ay maanta ku so biireen

Gabo gabadii waxaa madasha ka hadley isla markaana xisbiga Waddani ku soo dhaweeyey musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Ciro waxaana uu tageerashan xisbiga maanta ku soo biiray ku cabiray in taageerayaashani ay dantooda ka dhex arkeen xisbiga Waddani .

HadhwanaagNews/Office

Hargeysa/Somaliland