GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE EE LAANTA FINLAND OO SI RASMIYA U SHAACIYAY WAKHTIGA IYO GOOBTA LAGU QABAN DOONO SHIRWAYNIHII 3AAD EE XUSBIGA KULMIYE LAAMAHA MIDAWGA YURUB

Gabiley(GNN) Gudoomiyaha xusbiga kulmiye laantiisa finland axmed khaliif ayaa si rasmiya u shaaciya qabashada shirwaynihii sadexaad ee xusbiga kulmiye laamaha midawga yurub.

image00

Gudoomiye axmed khaliif oo ah Martigaliyaha shirkaas oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in shirkii 3aad uga furmi doono dalka finland taariikhdu markay tahay 7/1/2017 ka halkaas oo ay isugu iman doonan tobon laamood oo ka tirsan laamaha midawga yurub ee xusbiga talada dalka haya ee kulmiye ku leeyahay dalalka midawga yurub oo dhan tiradoodu toban laamood oo ka mid ah laamaha midawga yurub, shirkan oo noqonaya mid si heer sare ah loo agaasimay taagana wakhtigiisi ayaa ay ka soo qayb galidoonan masuuliyiin sarsare

Xubnaha Gudiga qaban qaabada oo martigalinta ku weheliya gudoomiye axmed khaliif ayaay tiradoodu dhan tahay shan xubnood oo laamaha kaladuwan ee qaarada yurub ah xubnahaas oo magacyadoodu kala yhiin

1.Gudoomiye axmed khaliif

2.Xoghayaha laanta sweden ibraahin cali aadan

3.Gudoomiyaha laanta biljin maxamed jeex

4.Xubin ismaaciil daalo

5.xubin marwo xaliimo cabdi obsiiye.
Gabiley.net
Office Gabiley