Khabiirka BBC-da Ee Mark Lawrenson Oo Weerar Ku Qaaday Garsooraha Culaysku Saaran Yahay Ee Jon Moss Oo Qaban Doona Kulanka Middlebrough Vs Liverpool

Kabiirka BBC-da isla markaana ah difaacii Liverpool ee Mark Lawrenson ayaa weerar afka ah ku qaaday garsooraha culaysku saaran yahay ee Jon Moss oo dhex dhexaadin doona kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto Middlesbrough, wuxuuna lawrenson sheegay in haddii Jon Moss uu ciyaartoy ahaan lahaa aanu todobaad kasta ciyaareen qaladaadka uu sameeyo awgii.

Jon Moss ayaa qaladaad badan soo sameeyya kulamadii uu xili ciyaareedkan soo maamulayay waxaana ugu danbeeyay in qaladkii uu rekoodhaha ku siiyay xidiga Tottenham ee Delle Alli kaas oo istuuray si uu rekoodhe u helo kulankii Swansea City ee ay Tottenham 5:0 ku badisay.

Mark Lawrenson oo ka hadlaya Jon Moss ayaa yidhi: “Haddii Jon Moss uu ciyaartoy ahaan lahaa todobaad kasta muu ciyaareen, waa laga tagi lahaa, sababtoo ah waxa uu sii wadaa qaladaadka. Halka ay maanta joogto kubbada cagtu, waxa uu tababaruhu ogaanayaa garsooruhu cida uu yahay ka hor kulanka usbuuc dhamaadka, wuxuuna ciyaartoydiisa u sheegayaa: ‘ Moss waxa uu samayn doonaa qalad, sidaa daraadeed ka fikira labada dhinac ee xerada ganaaxa”.