Lionel Messi Oo La Kulmay Wiilkii Reer Afghanistan Ee Bac Qafiifta Ka Dhigtay Maaliyadiisa.

Wiilkii reer Afghanistan ee dunida kubada cagta caanka ka noqday ka dib markii uu maaliyad ka dhigtay bac qafiif ay dusha ka qoran tahay magaca Lionel Messi ayaa la kulmay geesigiisa.

Sawir laga qaaday lix sanno jirka Murtaza Ahmadi oo xiran bac qafiif xariiqmo cadaan iyo buluug ah leh sida maaliyada Argentina oo magaca Messi iyo Lambarkiisa dusha ku leh bishii Janaayo ayaa dunida oo dhan gaaray taasoo keentay inuu wiilkaan maaliyad rasmi ah oo saxiixan uu ka helo weeraryahanka Barcelona.

Laakiin haatan waxay si fool ka fool ah ugu kulmeen magaalada Doha sida ay sheegeen gudiga qaban qaabinaya Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.

Barcelona ayaa ku sugan Qatar si ay kulan saaxiibtinimo u la ciyaaraan maanta kooxda Al Ahli, waxaana wiilkaan yar Ahamdi uu garoonka la soo geli doonaa Messi.

“Waa muuqaalkii ay dunida dooneysay inay aragto” ayau guddiga qaban qaabada Koobka Adduunka ku soo qoreen Twitter. “Lix sanno jirka ku riyoonayay inuu la kulmo geesigiisa Messi oo ugu danbeyn rumowday.”

Ahmadi oo ka soo jeeda degamada Jaghori ee gobolka berri ee Ghazni ee dalka Afghanistan ayaa lagu qasbay inay ka cararaan deegaankooda oo ay u guuraan Pakistan bishii May.