LAYAAB: Madaxweyne Xigeenka Maamulka Puntland Oo Magaca Somaliland Xildhibaano Ku Raadinaya iyo Gaas Oo Ay Isku Dhaceen.

Shir magaalada Muqdisho ay ku yeesheen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland Oo Calooshood u Shaqaystayaal ah ayaa mowqif  adag ka qaatay doorashada xubnaha aqalka sare ee Maamulka Xamar.

Shaqsiyaadka waxa kamida Maxamed  Cumar Carte, Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, Wasiirka
Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax, Wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo wasiiro iyo xildhibaano puntland ka shaqaysta oo ka soo jeeda gobolka sool.

Layaabka ayaa wuxu yahay hadaba madaxweyne xigeenka maamulkaas puntland ayaa dareemey in lagu khiyaamey magaca puntland beeshiisana la siiyey laba xildhibaan oo kaliya oo dumar ah, taasoo ku kaliftey inuu xamar ka sheego inuu ka soo jeedo somaliland.

Madaxweynaha maamulka puntland Gaas ayaa isagu diidan sida uu wax uwado ina camey.

Nuxurka war-saxaafadeed ay soo wada saareen shaqsiyaadkani  ayaa dhigaya in aysan ku qanci doonin saami-qeysiga aqalka sare wax ka yar 33%, taasoo u dhiganta marka la eego xubno ka badan 11kii markii horeba uu muranka ka taagnaa.



Log1