Madaxtooyada Somaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Ra’iisal Wasaaraha maamulkaasi iyo Khilaaf Ka Dhex Qarxay Labada Masuul ee….

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay hadal maalintii shalay ka soo yeedhay ra’iisal wasaaraha xukuumada Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke oo sheegay in dalku u baahan yahay isbadal dhinaca hogaanka ah.

Agaasimaha warfaaafinta madaxtooyada Somaliya Shador Xaaji Max’uud ayaa sheegay in hadalka ra’iisal wasaaruhu ahaa mid gaf ah islamarkaan aan ku saleysneyn sidda uu hadalka u dhigay anshaha doorashooyinka.

“Ra’iisal wasaaraha waxaa wanaagsaneyd in uu ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu wali dalka ka hayoee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud

Agaasimaha ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud mudan yahay in lagu amaano difaaca danaha umadda Soomaaliyeed iyo diidmada faragalinta shisheeye, isaga oo intaa ku darray in mar walba madaxweynaha u taagan yahay xuquuqda dalka, bad iyo bari intaba.

Hadalka ka soo yeeray madaxtooyada Soomaaliya ee loogu jawaabay ra’iisal wasaaraha ayaa muujinaya khilaafka iyo farqiga dhinaca doorashada ee u dhaxeeya labadan mas’uul oo hadda ah musharixiin u wadda taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2016.