MADAXWAYNE KASTA AMA MUSHARAXWALBA WAXA AY SAAMAYNTIISA SIYAAGA AHI NOQOTAA HADBA AQOON-YAHANKA KU XEERAN SIDA AY YIHIIN

Faalo Qormadan oo aynu ku eegi doono aqoon-yaanka ku xeeran musharaxa xusbiga kulmiye muuse biixi iyo saamaynta ay bulshada ku dhex leeyihiin, Dabcan waa siyaasiyiin aqoon-yahano masuuliyiin aad intoda badan magacoga iyo muuqogaba garanaysan.
a309Sida aynu la wada socono madaxwayne kasta ama siyaaisi wal oo damac hogaamineed ku jiraaba waxa uu noqdaa hhadba aqoon yahanka ku xeeran sida ay yihiin taas oo dhaxalsiisa laba arimood oo kala ah guul iyo gul-daro.

Hadaba sida muuqaalkan horteena yaala aad ku arkaysaan waa aqoon-yahanada sida tooska ah ugu xeeran musharaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye isla markaana waa shaqsiyaad bulshada dhexdeeda ku leh saamayn togan oo gaadhsiin karta musharax muuse hayaanka geediga guusha uu ulanayo ee hogaaminta talada dalka.

waxa laga yaaba inaad iswaydiisan sababta dhabta ah ee aan muqaalkan usoo ururshay balse waxa ay tahay sabatu, siyaasiyiintan oo ah kuwo ka agdhaw isla markaana ah raga hagaya hanaanka ololaha iyo hilinka loo marayo iyagoo waliba ah siyaasiyiin iyo aqoon-yahano leh khibrad ay ku soo hoyn karaan guul uu xusbiga kulmiye markale ka gaadho doorashooyinka dalka ku soo fooda leh, jilayaashan siyaasada somaliland hadeer iyo horaysaba badhkood ka dhex caan ahayeen waxa ay musdanbeed u yihiin musharax muuse biixi waxaanay bulshada kaga dhex suntanyihiin siyaasiyiin saamaynta ugu badan ku leh taniyo curahadii somaliland saaxada siyaasada oo badiba ay yihiin rag ay ku dheehan tahay aqoon maamul tu duublamaasiyadeed iyo mid bulshaba oo intuba ah mid bulshadu haatan tabayso.

aqoon-yahanadan ayaa ah kuwo bulshada somaliland ay idil ahaantoodba aragtidooda siyaasiga ah ay la dhacsan yihiin markaad qof qof u eegto isla markaana blshadu aragtida ay ka qabto aad u dhugmo yeelato isla markaana ah saqsiyaad aan odhan karno waxa nasiib u yeeshay musharax muuse biixi oo xulashadiisu ay muuqato mid isbadal togan dalka ka samaynkara.

Hdaba hadii uu musharax muuse biixi ku guulaysto hogaaminta talada dalka waxa marag madoon noqonaysa in saamaynta ugu badan ee guushiisa ay qayb ka ahaan doonan aqoon-yahanadani isla markaana ay noqon doonan kuwa ugu mudan xukumada uu gadhwadeenka ka noqon doono oo noqonaysa xukumad bulshada horumar iyo wax qabad balaadhan oo gees ka gees ah gaadhsiin doonta maadamo hogaankastaa noqdo hadba aqoon yahanka ku xeeran nooca ay yihiin

Waa Qalinkii c/risaaq maxamed axmed