DAAWO SAWIRADA Masaajid ku yaala Magaalada Zurich Dalka Switzerland oo Nin rasaas Ku Furay iyo Sadex Somali ah Rasaastu Haleeshay

Nin hubeysan, ayaa xalay weeraray Masaajid ku yaala Magaalada Zurich ee Wadanka Switzerland, iyadoo uu halkaasi ku dhaawacay saddex qof.

Ninkan, ayaa gudaha u galay Masaajidka Islamic Center, xilli ay dadku tukadeen Salaaddii Maqrib, isla-markaana ay sugayeen Salaadda Cishaha.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in ninkaasi uu handaday dadkii Masaajidka ku sugnaa oo Soomaali u badnaa, ka hor intii aanu rasaasta oodda kaga qaadin.

Saddexda qof ee ku dhaawacantay weerarkaasi, ayaa dhammaantood Somali ahaa. Masaajidkan ayaa inta badan jameecada ku xiran waxaa weeye Somali.

Dambiilaha, ayaa falkaasi ka dib ka baxsaday goobtaasi, oo mar dambe ay gaadheen Ciidamada Booliska Zurich. Dad caddaan ahaa oo arkaayay ninka toogashada gaystay, ayaa dhacdadaasi ku wargeliyay Booliska.

Ciidamada Booliska, ayaa baadigoob ugu jira ninkaasi, oo aan si rasmi ah weli loo aqoon waxa ku khasbay weerarkaasi, balse waxaa loo maleynayaa in Islaam naceyb la xiriirto.

Bulshooyinka kala duwan ee ku nool Magaalada Zurich, ayaa Somalida soo gaadhsiineysa farriimo, ay ugu muujinayan sida ay uga xun yihiin falka uu ku kacay ninkaasi.

Booliska, ayaa waxaa Talaadada maanta lagu wadaa in ay war ka soo saaraan dhacdadaasi, sida ay xaqiijiyeen Somalida Zurich.