Maxaa Sababay Laydhka Jabiwaayey Inaga Oo Og In Shidaalkii Hoos U Dhacay Ilaa Bishii June Ee Sanadkii Hore.

Waxa maanta taas kasii daran waxa weeye oo abuurmay ganacsato aan damiir lahayn oo aan u naxayn dalkooda iyo dadkooda oo aan anigu ugu yeedho 

Majara xumada siyaasada  dawladnimo ee maanta s/land kajirtaa waxay sababtay in ay abuurmaan duruufo adag oo nololeed oo leh mid dhaqaale iyo mid bulsho,kadib markii ay abuurmeen ganacsato xadhkaha goostay dal iyo dadna aan xaalaynayn

Siyaasad xumada dawladnimo Waxay sababtay inay maanta abuurmaan laba dabaqadood oo kala ah

Dabaqad hoose (low class society)

Dabaqad sare (high class society)

Waxa maanta taas kasii daran waxa weeye oo abuurmay ganacsato aan damiir lahayn oo aan u naxayn dalkooda iyo dadkooda oo aan anigu ugu yeedho ajaanib aan dalkan lahayn,waxa tan iyo sanadkii tegay  badhtamihiisii laga soo bilaabo june,hoos udhac weyni ku yimi qiimihii shidaalka iyo maciishada caalamka malaha inagu caalamka kama

mid nihine waxa dunida oo dhan saameeyey hoos udhacaa shidaalka,waxa foostada shidaalkii gaadhay halkii ugu hoosaysay  15 saano ee ugu danbeeyey maciishadu iyadana hoos ayay caalamka uga dhacday.

Hadaba maanta dawlada waxa looga fadhiyaa inay nookala cadayso inay tahay ganacsato iyo inay tahay xukumad la, doortay oo shacabka u adeegaysa,kana jawaabaysa baahida shacabka ,maanta ganacsatada isku kaashatay dhiiga umadu ee umidoobay si iyagu ay u danaystaan ee laydhkii xitaa dawlada la wareegay waxa looga fadhiyaa dawladu inay wax ka qabato waa hadii ay tahay xukumadii shacabku doorteen ee kajawaabaysay baahida shacabka,oo sharciyo adag loo soo saaro ganacsatada ku mamtay kuna naaxxday dhiigii umada danyarta ah ee duruufuhu haystaan,waana in qiimaha laydhka ee halkii unit hoos loo dhigaa lana gaadhsiiyaa wax kayar $ 0.5 halkii unit iyadoo kolba lagu salaynayo duruufaha shidaal ee dunida, waxa aynu ognahay maanta horumarka dalka iyo maalgashiga in badan waxa hortaagan qiimaha sareeya ee korontada oo keentay in qof kasta oo maalgashi ku hamiyaa ama warshad yar uu ku hamiyaa uu ka war waro laydhka qaaligaa  sidaa daraadeed dad badan ayaa ku dhici waayeen inay dalka maal gashadaan.

Hadaan kusoo dhowaado cinwaanka maqaalkayga waxa sababay laydhka maanta jebi waayey maaha ganacsatada ee waxa kamasuul ah xukumata dalkan katalisa

Hadaba gebagebadii waxaan xukumada u soo jeedinayaa talooyinkan hoos kuqoran.

Inay maamusho gacanta ku hayso sharciyo adagna usoo saaro ganacsatada damiir beeshay maanta

In hoos u dhigto qiimaha korontada lagana dhigo qiimo macquula(reasonable price) iyadoo ay duruufo badan oo hore u jiray ay maanta meesha ka baxeen

In heyadaha korontada loo gudbiyo wareegto sharci oo ay ku cadahay inay hadba lajaanqaadaan xaaldaha isbedelka shidaal ee caalamka

 

Qalinkii: Abdulqani Farlow Hashi

Falanqeeye: Arimaha Siyaasada

E-mail: Xaashi74@gmail.com