Hargeisa (GNN) Ruushka ayaa si cadho leh u sheegay inuu jawaab ka bixin doono diblomaasiyiintisa uu mareykanku sheegay inuu ka eryay dalkiisa.
Diblomaasiyiinta Ruushka u dhashay oo tiradoodu dhantahay 35 diplomaasi ayaa Mareykanku u qabtay inay muddo 72 saacadood ah inay kaga baxaan Washington.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili xurguf xoogani dhexmartay Ruushka iyo Mareykanka iyaga oo isku maandhafsan eedeynta uu mareykanku ku ee deeyay Ruushka inay ku lug lahaa yeen doorashadii Madaxtinimo ee dalka ka dhacday.
Afhayen u ahadlay Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in tallaabadan ay ku sababi doonto maraykanka arrin fool xun balse waxa uu sheegay inay u kaadin doonaan illaa inta uu xilka lawareegay Donald Trump.
Ruushka ayaa dhankiisa iska difaacay inaanu ku lug lahayn ee deymahas loo soo jeedinayo , waxa uuna ku tilmaamay waxba kama jraan.