Daawo: Obama Oo 35 Dublamaasi Oo Ruushka Ah Ka Caydhiyay Dalkiisa Kuna Amray Inay 72-Saacadood Kaga Baxaan Maraykanka –

Washington, (GNN/Agencies):- Dawlada Maraykanka ayaa shan iyo sodon ka mid ah dublamaasiyiinta Ruushka, ka caydhiyay dalkiisa, kuwaas oo lagu

amray inay muddo 72-saacadood gudahood ah, kaga baxaan dhulka dalkaas.

 

Waxa kale oo dawlada Maraykanku ay sheegtay inay cuna qabatayn ku soo rogtay, hayada sirdoonka dalka Ruushka iyo wakaalada Ammaanka qaranka ee dalkaas, waxa kale oo Washington ay albaabada u laabtay labo ka mid ah shirkadaha Ruushku leeyahay ee magaalooyinka Washington iyo Georgia.

 

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Ruushku halis ku yahay Amniga qaranka Maraykan, dublamaasiyiintan la eryay iyo sirdoonkiisuna ay fuliyeen duulaano badan oo ka dhan ah ammaanka dalka Maraykanka, isaga oo xusay in maamulkiisu Kongarayska hor gayn doono, warbixinta faro gelinta iyo duulaanada Ruushka.