Ruushka Oo Ku Ballan Qaaday Inuu Jawaab Kabixin Doono Tallaabada Uu Mareykanku Kaga Saaray Dalkiisa Diblomaasiyiinta U Dhashay Ruushka.

Hargeisa (GNN) Ruushka ayaa si cadho leh u sheegay inuu jawaab ka bixin doono  diblomaasiyiintisa uu mareykanku sheegay inuu ka eryay dalkiisa.

Diblomaasiyiinta Ruushka u dhashay oo tiradoodu dhantahay 35  diplomaasi ayaa Mareykanku u qabtay  inay muddo 72 saacadood ah inay kaga baxaan Washington.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili xurguf xoogani dhexmartay Ruushka iyo Mareykanka iyaga oo isku maandhafsan  eedeynta uu mareykanku ku  ee deeyay  Ruushka inay ku lug lahaa yeen doorashadii Madaxtinimo ee dalka ka dhacday.

Afhayen u ahadlay Madaxweyne  Vladimir Putin  ayaa sheegay in tallaabadan ay ku sababi doonto maraykanka  arrin  fool xun balse waxa uu sheegay inay u kaadin doonaan illaa inta uu xilka lawareegay Donald Trump.

Ruushka ayaa dhankiisa iska difaacay inaanu ku lug lahayn ee deymahas loo soo jeedinayo , waxa uuna ku tilmaamay waxba kama jraan.