Shacabka Somaliland Oo Ku Diirsaday Adeega Internetka ee Ay Bixiyaan Shirkadaha Somcable Iyo Somtel, Halka Ay Hawada Ka Saareen Internet Tayo Liita Oo Ay Bixin Jirtay Telesom.

Hargeisa(GNN):-Adeega Internetka Ayaa Isticmaalkiisu Noqday Somaliland Mid Kamida Baahiyaha Nolosha, islamarkaana bulshadu boqolkiiba boqol ay habeen iyo maalin uga faaiideystaan baahiyahooda nololeed, somaliland waxa wakhti xaadirkan bixiya adeega internetka Shirkado Kala duwan oo ay kamid yihiin Shirkada Somcable Oo Dhawaan Keentay Adeega Viber Optic iyo Shirkada Somtel, halka shirkada Telesom oo loolan xoogan ugu jirtay bixita adeegaasi ay shacabku kadib markii ay khaati ka istaageen tayo xumada iyo xadiga lacagta ay ku bixiso oo sareeya.

Waxay ahayd Bilihii ina soo dhaafay markii ay soo bandhigtay Shirkada Telesom adeeg ay ku Sheegtay 4G++ oo ay aad ugu sameysay xayeysiis ay suuqa ku galinayso, Shacabka Somaliland oo aad ugu ooman helitaanka adeeg hufan oo qiimo macquula ahi, markii ay waxoogaa yar isticmaaleen adeegaasi, waxa uu noqday mid aan Sidii la rabay u shaqayn islamarkaana tayo ahaan,

Meheradaha, Guryaha Iyo Xarumaha Dawlada oo inta badan ah goobaha looga isticmaalka badan yahay ayaa xiligan joojiyey inay isticmaalaan adeegaasi internetka ee shirkada telesom oo ay ku sheegeen in uu yahay magac beena oo aan kaafiyi karin baahidii bulshada,

Shirkadaha Somtel Iyo Somcable Oo Loolan Xoogani Ka Dhexeeyo Dhinaca Internetka Wakhtigan Somaliland Ayaad Moodaa In Shacabku aad ugu Diirsadeen Adeegyada dhinaca Internetka ee Ay Bixiyaan, Waxaana Arrintaasi sababtay in shacabkii hore u isticmaali jiray adeega internetka ee shirkada Telesom inay u wareegaan Shirkadaha Somcable iyo Somtel Oo Qiimo ahaan hooseeya  iyada oo Xawaare Ahaana Ka Heersareeya Internetka Shirkada Telesom.

 

Waxay Ahayd Dhawaan Markii Shirkada Telesom Lacag Malaayiin Dollar Ah Ku Bixisay Inay dalka Soo Galiso Xadhiga Bada Soo Mara ee internetka oo Ay doonaysay inay Si Tuugo ah dalka ku keento, iyadoo markii la ogaaday arrintaasi sababtay in xilka lagaga qaado masuuliyiintii arrintaasi kala shaqayneyey, Halka amar kasoo baxay madaxweynaha somaliland lagu hor istaagay inay dalka keento adeegaasi, oo hore qandaraas loogu siiyey shirkad kale muddo ku siman ilaa 25 sano.

sikastaba ha ahaatee Shirkada Telesom oo ah Shirkad Baaxad weyn leh oo ka shaqaysa dalka somaliland iyo somalia, dhaqaalaha ugu badani waxa uu kasoo gala shacabka somaliland oo ay degmo tuulo iyo gobolba uga shaqaysato si nabad galyo ah, Balse dhaqaalahaasi aan xadka lahayni ma jiro wax faaiido leh oo shacabka somaliland kagaga soo noqdaa, waxaana lacagta ugu badan shirkada telesom ku bixisaa dhismayaash iyo fooqaq dhaadheer oo ay ka dhisato dalka somalia, iyadoo sababtu tahay in Masuuliyiinta ugu sareysa ee Shirkada ee sheerka ugu badan kulihi kasoo jeedaan somalia,

Dhibaatooyinka kasoo gaadha Shacabka Somaliland  Shirkada Telesom oo aan ku Koobnayeyn intan ayey tanin qaybweyn ka noqonaysaa,

Waxase xiligan uga hiiliyey shacabka in ay helaan adeeg hufan oo u qalma qiimaha lacagta internet xawaare ahaana sareeya shirkadaha Somcable iyo Somtel, Taas oo Shacabka Somaliland xiligan ku wareegeen,