Wafti Culus Oo Ka Socda Dawlada Jabuuti Oo Saaka yimid Magaalada Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkooda Oo Xogo Kasoo Baxayaan

War deg deg ah oo hadda nasoo gaadhay ayaa sheegaya in saaka wafti culus oo ka socda dawlada Jabuuti ay yimaadeen magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa si diiran Magaalada Hargeisa ugu soo dhawaysay, Wefti ka socda Dawlada Jabuuti oo Saaka Soo gaadhay Magaalada Hargeisa, Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Jabouti iyo  saraakiil ka tirsan Ciidamada Dalka Jabuuti.

Wasiirka Arimaha Gudaha Jabouti Xasan Cumar oo Faah faahin kooban ka bixiyey Ujeeda Socdaalkooda ayaa ku soo gaabiyey inay Somaliland u Yimaadeen Sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Xidhiidh ka labada dal ee dhinacyada Amaanka iyo Wada shaqaynta labada Dawladood

 

Goordhaw Naga Filo Warkan Oo Dhameystiran.

Log1