Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Ay Magaalada Nairobi Kula Kulmeen Raysal Wasaaraha Dalka Somaliya

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo kamida ahaa masuuliyiintii xisbiga WADDANI ee safarka ku tagey dalka Kenya oo wargeyska Saxan-saxo wax ka waydiiyay arrintan ayaa waxa uu sheegay inaanay arrinkan waxba ka jirin ayna tahay warar been abuur ah,waxaana uu sidoo kale xusey in masuuliyiinta xisbiga WADDANI arrinka ay u tageen dalka Kenya ay ugu muhiimsanayd gurmadka iyo taakulaynta walaalahooda ku dhaqan gobolada bariga Somaliland ee ay abaartu halakaysay waxaana uu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaya sida tan

“Arrinkaas waxba kama jiraan waa been iyo borobogaando cad,raysal wasaaruhuna in aanu odhan ayaan aaminsanahay in la baadhana weeyaan,ma aamisani in nin murashax madaxwayne u ordayaa uu beenta intaas leeg samaynayo,waftigii xisbiga WADDANI-na waxa uu u tagey Nairobi wax cad ayay ahayd warbaahintana waa lagala socday,kulamada aanu yeelano wax qadiyadda iyo danta Somaliland ku saabsan mooyaane wax kale umaanaan tegin,taas oo ay ka gaabiyeen ciddii shaqadaas lahayd ,cidda ka danbaysana waa cid iska cad oo shaqadeedii garan wayday,waxaanay doonayaan inay sameeyaan wax aan jirin ,waxbana kama jiraan waana been abuur cadd,wax Somaliya ah oo aanu is aragnay ma jirto oo iyagiibaa isku mashquulsan maanu arag run ahaantii”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Safiina oo ka tirsan xisbiga WADDANI.