Xog-Waranka Askari  Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Ka Dayriyey Heer Uu Maryo Isticmaalka Maandooriyaha Xashiishadu Iyo Gabdho…….

Askarigan ayaa mar uu shalay la hadlayey dadwayne ku tukanayey salaadii jimce masaajid ku yaala xaafada Boqol Jire ee magaalada Hargeysa waxa uu ka waramay heerka naxdinta leh ee ay dalka ka marayso isticmaalka maandooriyaha khatarta ah ee Xashiishadu,waxaana uu soo qaatay dhacdooyin la yaab badan oo uur ku taalo ku reebtay dadwaynihii masaajidkaasi ku tukanayey.Waxaana uu askarigani ka sheekeeyey dhacdooyin uu  habeenadii u danbeeyey goob joog u ahaa oo ka turjumaysa sida ay dalka ugu soo badanayaan maandooriyayaasha khatarta iyo waliba sida ay dhalinyaradu ugu fusuqeen isla markaana loo  baahan yahay in dhinac looga soo wada jeesto sidii loo joojin lahaa maandooriyayaasha xun xun ee dalka sida qarsoodiga ah kusoo gala.

Askarigan ayaa dadwaynahii masaajidkaasi ku tukanayey waxa uu la wadaagay dhacdooyin naxdin badan waxna uu ka qabtay,waxaana uu sheegay isaga oo habeenadii u danbeeyey ka hawl galaya saldhiga booliska degmada Ibraahin Koodbuur uu la kulmay qoys dhan oo ka kooban hooyo iyo laba ay dhashay oo maandooriyaha xashiishada iibiya intaasi ka dibna baadhitaan dheer oo ay galeen kadib ay ogaadaan in aabaha qoyskan ka masuulka ah uu kamid yahay dadka masaajidada safafka hore ku tukada balse aan isagu ogayn waxa ay qoyskiisu qabtaan intaa uu ka maqan yahay .

Sidoo kalena askarigan ayaa sheegay in sidoo kalena ay qabqabteen dhalinyaro tiro badan oo xashiishad ku dhex nuugaya dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cali Ibraahin (Ex Biyo Dhacayga sare) kuwaas oo uu sheegay inay ku qabteen iyaga oo gaadhi ku dhex jira,waxaana uu xusay inay tiradoodu dhamayd 12 dhalinyaro ah iskuguna jiray wiilal iyo gabdho  qaaqaawan oo ku dhex jira gaadhiga dhexdiisa markii ay soo qabteena ay u qaadan kari waayeen dumarkan dhalinyarada ah ee dhaqan xumada ku kacaya ee iyagoo qaa-qaawan nuugaya xashiishada.

Waxaana uu askariga oo wali ku guda jiray ka sheekaynta dhacdooyinkii naxdinta badnaa ee uu la kulmay u sheegay inay ay talaabo ka qaadeen dadkaasi ay maandooriyayaasha kusoo qabteen,waxaana uu bulshadii salaada uu la tukanayey ugu baaqay inay waalidiintu ubadkooda ka war hayaan oo ay ogaadaan halka uu ku sugan yahay iyo halka uu ku maqan yahay wakhtiga habeenkii ah.

Gabagabadiina mudooyinkii u danbeeyey ayaa waxa dalka Somaliland gaar ahaana caasimada Hargeysa kusoo badanayey isticmaalka maandooriyayaasha kala duwan ee khatarta ah kuwaas oo dadka isticmaalaa ay u badan yihiin dhalinyarada,balse ciidamada booliska Somaliland ayaa iyagu mar kaste heegan u ah inay la dagaalamaan maandooriyayaasha khatarta ah oo badanaa dalka kusoo gala qaab qarsoodi ah.