Xuddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Xaaladda Abaarta Iyo Halista Nololeed Ee Bulshada Tabaalowday

Hargeysa(GNN)Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Xaaladda Abaarta Iyo Halista Nololeed Ee Bulshada Tabaalowday Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),ayaa waxba kama jiraan ku sheeay warar sheegayay in magaalada Burco habeen hore lagu soo rogay Bandoo. waxaanu meesha ka saaray in isagu Burco habeen hore guuro­gal kaga soo baxay isagoo caddeeyay in u ku sugan yahay magaalada Burco. Guddoomiyuhu waxa kaloo uu farriin u diray guud ahaan bulshada Somaliland oo uu ka dalbaday in ay gumadka samato bixinta dadka ay abaaruhu ku dhufteen in ay ka qayb qaataan. RAMAAX

Mr. Ramaax waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u warramayay wargeyska DAWAN. “Guud ahaan gobolku waa nabadgelyo, wax bandoo ah oo Burco lagu soo rogayna ma jirto xaalad nabadgelyo darro oo bandoo loogu soo rogaana kama jirto Burco iyo gobolka toona. laakiin cidda warkaa qortay ayaa la waydiin halka ay ka keeneen,midda kale warbaahinta waxaan leeyahay iska daaya arrimaha nabadgelyada iyo ciidamada wax ka qoristooda oo hawlo badan oo kale ayaa idiin yaalla ee wax ka qora oo gurmadka abaaraha ka shaqeeya,”ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax. Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in uu Burco habeen hore guurogal kaga soo baxay,ayaa yidhi, “Horta haddii been la sheegayo waa taasoo kale oo  intaas ayay jirtaa in war aan jirin la qoraa, laakiin anigu Burco ayaan ku suganahay waxaan ka soo galay Burco dhanka Laascaanood oo shalay (Dorraad) galinkii dambe ayaan imi walina waan ku suganahay in laga tago iyo in la iska socdaba wax ka wayn ayaa halkan yaalla oo ah dadkii oo abaar u dhimanaya iyo xoolihii oo ka baxay dadkaas ayaa badbaado iyo gurmad u baahan. Markaa waxay ahayd cidda war qoraysaa in ay wax waydiiso cidda warka ay ka qorayso, laakiin in qofku siduu doono wax u yidhaahdaa war maaha, waana been oo kamaan soo bixin Burco. waxaanan ku hawlanahay kulamadii aan la yeelanayay madaxda laamaha dawladda ee heer gobol iyo degmo iyo guddida abaaraha ee heer gobol.” Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaaladda abaarta ka jirta gobolka Togdheer iyo sida ay u saamaysay dadka reer guuraaga ah ee Xooluhu ka bexeen,waxa uu yidhi, “Gobolka xaalad adag ayaa ka jirta oo wax hadal lagu sheegi karo baaxadda ay leedahay wuu ka wayn yahay, waanu ka culus yahay mid ay dawladi waxa ka qaban karto. markaa waxaa loo baahan yahay in wada jir loogu gurmado dadka tabaalaysan ee halista ku jira xoolihiina ay ka baxeen intaanay iyaguna raacin,waxaanan u soo jeedinayaa dadka gobolka ee qurba joogga ah iyo inta wax haysata ee gobolka iyo guud ahaan Somaliland­ba in ay gurmadka ka qayb qaataan oo waxtarkooda ku soo hagaajiyaan guddida gurmadka abaaraha ee heer gobol si meel keliya looga wada gurmado,xaaladdu way adag tahay gobollada bari ee dalka oo dhan ayaanay ka jirtaa oo waa tii uu Madaxweynuhu indhihiisa ku soo arkay, anigu waxaan ka soo shaqeeyay abaartii galbeedka markaa reer galbeedku way ka dhego nugul yihiin reer bariga oo guri guri ayay u soo gurmadeen, markaa reer Togdheer waxaan leehayay ka kaca oo aqal aqal iyo dukaan dukaan ayaynu u gurmanaynaa ee aan dadkeenna wax ay cunaan iyo biyo gaadhsiino,”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax