xukumada somaliland oo jawaab adag ka bixisey hadalkii ka soo yeedhey ciidenka sirdoonka soomaliya

Hargeysa(GNN)Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo yeedhay dawlada somaliya ee ahaa in gaadhi ay ku xidhan tahay taarikada Somaliland lagu fuliyay qarax ka dhacay khamiistii ina soo dhaaftay magaalad Muqdisho.

FARATON
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasin Maxamuud Xiir Faratoon oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofkii xoolaha ee uu dawlada Sucuudigu joojiyey,waxaanu yidhi.

“Maamulka Xamar waxay caado ka dhigteen daandaasi iyo xad gudub ay mar walba kusoo xad gudbaan Somaliland oo ay caado ka dhigteen inay wax ka sheegaan ama ay kusoo xad gudbaan Somaliland,waxaana wax aad looga xishoodo ah inay maanta yidhaahdaan gaadhi qarxay Ayaanu ka helnay  taarikada Somaliland,miyaanay arkayn oo aanay ka war helin gaadhigu intii aanu qarxin in taariko ay Somaliland leedahay ku xidhan yahay ama miyaanay qabteen gaadhiga marka uu marayo magaalooyinka ama suuqyada,taarikada waa la xadi karaa balse waxa xaqiiqo ah in maamulka xamar wax kale u jeedo ee waxaan leeyahay somalilandd marnaba kama gaydo kumana kacdo inay somaliya oo ay kala baxeen intay tagto ama  fal aan suurta gal ahayn ka fuliso anagu waxaanu jecelnahay in aanu mar walba wadamada aanu jaarka nahay iyo kuwa caalamkaba aanu nabad iyo xidhiidh wanaagsan ku wada noolaano”sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mar uu ka hadlay sida uu u arko dadka iyagu dhalasho ahaan Somaliland kasoo jeeda ee iyagu xilalka u doonta somaliya ayaa waxa uu yidhi

“Dad iyagu tagay Somaliya naftooda ayay u tageen ee Somaliland masuul kama aha wakiilna kama aha,waxaana dhab ah in dadkaasi ay yihiin dad qarankooda iyo dadkoodaba khiyaameeyey”

Wasiirku mar uu ka hadlayay dhoofka xoolihii somalida ee Sucuudigu joojiyay ayaa waxa uu yidhi

“Xoolaha laga helay xanuunku waa xoolihii Somaliya ee xoolaha somaliland waa la daryeelaa waa la daaweeyaa waa la xanaaneeyaa waa xoolo caafimaad qaba oo si buuxda loo hubiyay caafimaadkooda ee wadanka sucuuudigu waxaan leeyahay waa khalad in aad isku kaaya khalado Somaliya ee waxaanu kala nahay laba dal ee xidhiidhkii wanaagsanaa ee inaga dhexeeyey halkii haka sii socdo”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Faratoon