XUSBIGA KULMIYE LAAMIHIISA QURBAHA OO AH TIIR-DHEXAADKA XUSBIGA + IJIIN DHAQAAJIYAHA LAAMAHA QURBAHA OO NOQDAY GUDOOMIYAHA FINLAND

 Laamaha qurbaha ee xisbiga kulmiye oo ah laf-dhabarta xusbiga ayaa inta ugu badan wakhtigooda masuuliyiinta maamulaa ay ku bixiyaan sidii hawlaha xisbiga loo dardar-galin lahaa kuwaas oo xisbiga kulmiye u suurta galiaya inay dalalka qurbaha ku yeeshaan taageerayaal cudud badan oo ku deeqa qadhaanka xusbiga iyagoo waliba ka qayb qaata hawlkasta oo xusbiga ah siiba hawlaha wacyigalinta iyo xidhiidhada isku xidhka bulshada ee taageerayaasha gudaha iyo dabada ba.

a705Hadaba sida aynu la wada socono dhamaan laamaha qurbaha ee xusbiga kulmiye iyagoo idil ahaantood ba ah kuwo hawlgudasho ku caana ayaa hadana laanta dalka finland ay tahay hormoodka laamahaas taas oo uu gudoomiye ka yahay gudoomiye AXMED KHALIIF oo isagu noqday ijiin-dhaqaajiyaha laamaha qurbaha ee xusbiga kulmiye u ah tiir-dhaxaadka uu ku dhisan yahay, gudoomiye axmed khaliif oo ah aqoon-yahan siyaasi hawlaha xisbiga u guta si daacadnimo u ehel tahay oo waliba aqooni hagayso lehna karti iyo firfircooni uu ku guto waajibaadkiisa shaqo ee arimaha xusbiga kulmiye u igmaday ugana dhigay hoganshaha dalkaas isna uu noqday mid bara dhaafiya hawlihii laamaha dalkiisa uu gudoomiyaha ka yahay oo awood u yeeshay inuu dhamaan lamaaha qurbaha masuuliyiintooda kala hawlgalo tiyoo ay u saamaxday firfircoonida ay daacadnimadu hagayso walow laamaha qurbaha ee kale laftoodu aanay ahayn laamo fadhiida oo ay iyaba hawlahooda si hagar la’aan u gutaan hadana sideedaba kolay iinsanku kala dadaal badan kala hawlkarsan oo gudoomiye axmed khaliif waxa uu noqday mid ku sifoobay shaqsiyada ugu miisaanka badan ee gudaha dalka iyo hogaanka guud ee xisbigu ba ugu xidhiidhka dhaw kaas oo in badan oo bulshada taageerta kulmiye ay iswaydiiyaan mar uun inay nasiib u helaan inuu u noqdo masuul qaran oo sidaa xisbiga kulmiye uu ugu shaqeeyo umadiisana ugu shaqayn lahaa taas oo xitaa masuuliyiinta xusbiga iyo xukuumadu ba ay ogyihiin kaalinta uu kaga aadan yahay xusbiga iyo awoodiisa shaqsi ee ku caanka ah aqoonta, kartida, daacadnimada iyo waliba xilgudashada muga leh oo noqonaysa sababaha u badan ee u saamaxay inuu noqdo ijiinka dab-dhaliyaha u ah ilayska dhamaan bahwaynta reer kulmiye ee qurba joogu ay iftiinsadaan.

W/Q  c/risaaq maxamed axmed