Akhri  Warqad ay Guddoomiyeyaasha Xisbi Qaran eeSomaliland ay Maanta u Gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa(GNN)-Xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo muddooyinkii dambe si aada ugu muransanaa qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Somaliland maadaama oo ay ku beegantay xili abaareed aad u adag, ayaa waxa ay maanta si wada-jir ah Komishanka Doorashooyinka ay ugu gudbiyeen warqad ay ku wada saxeexan yihiin oo muujinaysa mid walba go’aanka uu ka taagan yahay qabsoomidda Doorashada, iyada oo labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ay soo jeediyeen in dib u dhac ku yimaado wakhtiga Doorashada isla mar ahaantaana lagu kordhiyo muddo Lix bilood ah, halka Xisbiga KULMIYE uu ku adkeystay in ay qabsoonto Doorashadu isla mar ahaantaana muranka iyo xaaladda abaareed ee soo wajahay doorashada na lagu furdaamiyo sharciga.

Akhri: Warqadda ay sida wada-jirka ah u saxeexeen madaxda saddexda Xisbi qaran ee SomalilandIMG_3198